Garoowe, June 09, 2024:
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane H.E Farah Awad Jama ayaa kulan la qaatay Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo maalmihii lasoo dhaafay kormeer shaqo ku marayey Hay’addaha Dowladda.
Waxaana wasiirka kulankaan ku weheliyey Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Cabdulqaadir Geylan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud, ujeeddada kormeer ayaa ahayd u kuurgelidda hannaanka shaqo Hay’adaha Dawladda, xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dawladda si waafaqsan Dastuurka DPL iyo xeerarka kale ee Dalka
Wasiirka iyo Mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda ayaa guddiga la wadaagay waxqabadkooda muddadii ay xilka hayeen, qorsheyaasha hortabinta u leh iyo caqabadaha jira.
Guddiga ayaa mas’uuliyihiinta kula dardaarmay in la ballaariyo adeegyada ay Wasaaraduhu u hayaan shacabka Puntland, lagana dhabeeyo hiigsiga iyo himilooyinka Puntland, lana hirgeliyo Barnaamijka Xukuumadda.
-DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.








