Garowe, 08-06-2024:
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane H.E Farah Awad Jama oo kulan la qaatay Duqa Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Kulankaan waxaa wasiirka ku weheliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cabdulqaadir Geylan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud waxaana Gudoomiyaha Gaalkacyo uga warbixiyey Xaalada Guud ee Degmada, isagoona sidoo la wadaagay baahiyaha Hada taagan ee uu doonayo in Masuuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud waxka qabtaan.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.











