Madaxda labada Wasaaradood ee Hawlaha Guud iyo Maaliyadda ayaa maanta yeeshay shir wadajir ah oo qay ka ahaa kulamo hore oo ay labada dhinac yeesheen oo lagu dardargelinayo casriyeynta cashuuraha gaadiidka iyo wado marista

Shirka oo kadhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka qayb galay Wasiirku Xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir ku-xigeenka Hawlaha guud, Wasiirudowlaha Wasaaradda Hawlaha guud, Agaasimeyaasha labada Wasaaradood iyo hoggaanadda Ciidanka Ilaalada Taraafikada iyo Ciidamada iLaalada cashuuraha.

Intii uu socday shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

  1. Hirgelinta buugga lahaanshaha gaadiidka kaas oo muwaadiniintu ay si online ah uga dalban karaan una heli karaan.
  2. Diyaarinta system oo u oggolaanaya mulkiilayaasha gaadiidka inay iyagoo jooga guryahooda si fudud ugu bixiyaan canshuuraha gaadiidka.
  3. Dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Taraafikada si loo xoojiyo maamulka gaadiidka, amniga waddooyinka iyo badbaadada bulshada.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Hawlaha Guud ku horumarinayaan adeegyada dowladda gaarahaan Cashuuraha gaadiidka, iyagoo adeegsanaya nidaamyo casri ah.

Waxaa xusid mudan in ay shirkan ay ka qayb galeen madaxda ka socota shirkadaha Badbaado iyo Piitech.

DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA HOWLAHA GUUD GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *