Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Yusuf Ahmed Mohamud (Barre Faatax) oo uu weheliyaan Madaxda Wasaaradda Qaybta Ka ah Mashruuca Sinaan ayaa shir-guddoomiyey kulanka sare ee Isku-xirka Wasaaradaha (High-Level Inter-Ministerial Coordination Meeting) ee Barnaamijka SINAAN, kaas oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Hawlaha Guud, iyo wakiillo ka socday madasha DT Global.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay horumarka iyo qorshayaasha Barnaamijka SINAAN ee magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo deegaannada kale ee Puntland. Waxaa diiradda lagu saaray xoojinta isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo waafajinta Qorshaha Horumarinta Dowladda Puntland (2026–2030), si loo xaqiijiyo himilooyinka horumarineed ee Puntland.
Shirka ayaa kusoo gabagaboobey is-afgarad ku saabsan xoojinta hoggaaminta iyo lahaanshaha dowladda, kor u qaadidda wada-shaqeynta wasaaradaha & hay’adaha ay khusayso, iyo dardargelinta hirgelinta Barnaamijka SINAAN si uu uga qayb qaato horumar waara iyo kobcinta adeegyada bulshada.
DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA HOWLAHA GUUD GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DOWLADDA PUNTLAND.




