Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka Iyo Guriyeynta Dpl iyo wasiir
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka Iyo Guriyeynta Dpl iyo wasiir kuxigeenka amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, iyo wafdi ay ka mid ahaayeen wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Puntland oo gaaray Degmadda buursalax ayaa xariga kajaray Labo Ceel biyood oo bulshada deeganku muhiim u ahaa.
Sidoo kale waxuu dhagax dhigay Dugsi Sare iyo Dugsiga Farsamadda Gacanta oo baahi weyn Bulshada deeganku uqabtay. Sidoo kale wasiirka ayaa balan qaaday in dowladda uu ka keeni doono mashaariicda hormarineed ee Dagmadu ubaahantay ee kaga xiran Dowladda iyo hayaddaha Kaleba.



